Saraakiisha CXDS oo Kormeeray Goobaha Isdiiwaangelinta Dadweynaha ee Degmada Xarardheere.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa saaka kormeer ku tagey goobaha ay ka socoto isdiiwaangelinta dadweynaha ee ku yaal degmada Xarardheere ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa xaqiijinta amniga iyo u kuur-gelidda sida ay u socoto hawsha isdiiwaangelintu, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

Saraakiisha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey xarunta degmada, iyadoo halkaas ay ku qaabileen Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Xarardheere ahna Xoghayaha Degmada, Mudane Maslah Macalin Cilmi, iyo masuuliyiin ka tirsan Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta Guddiga Doorashooyinka ayaa saraakiisha la wadaagay warbixin ku saabsan halka ay marayso hawsha isdiiwaangelinta, caqabadaha jira iyo taageerada ay u baahan yihiin si hawshu si hufan ugu socoto.

Dhanka kale, saraakiisha ciidamada ayaa ballan qaaday in ay sii laba-jibaari doonaan dadaallada lagu sugayo amniga goobaha isdiiwaangelinta, si bulshada deegaanka ay si xor ah oo nabdoon ugu gutaan waajibaadkooda muwaadiniyeed.

Dhacdadan ayaa muujinaysa sida ay u muhiim tahay wada shaqeynta hay’adaha dowladda, ciidamada qalabka sida, iyo guddiyada doorashooyinka, si loo xaqiijiyo hannaanka doorasho ee dalka.