Saraakiisha xoogga dalka oo soo bandhigay Sarkaal ka tirsanaa Shabaab

Saraakiisha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ayaa degaanka Baar-sanguuni oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ku soo bandhigay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab.

Ninkan ka soo goostay Shabaab oo uu la socday dagaalame Shabaab ka tirsan ayaa waxaa lagu magacaabaa Cali Cabdullaahi Sadiiq.

Saraakiisha xoogga dalka ayaa sheegay ninkan inuu ahaa sarkaalkii Shabaab u qaabilsanaa degaanka Xaaji Muuse oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sarkaalka Shabaab ka soo goostay oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa si cad u sheegay inuu ka soo laabtay fikirkii Al-shabaab, wuxuuna balan qaaday in wixii hada ka dambeeya uu ka mid noqon doono shacabka Soomaaliyeed, lana shaqeyn doono dowladda.

“Maanta wixii ka dambeeya waxaan si cad u sheegayaa inaan ka baxnay fikirkii Al-shabaab, Shabaab waxaan ka tirsanaa Sideed sano, waxaan ka soo qeyb qaatay dagaalo badan, waxaan jeclahay inaan la shaqeeyo dowladda, shacabkana ka mid noqdo, ” Ayuu yiri Taliye C.fitaax.

Taliyaha  ururka 58-aad, Guutada 11-aad ee qeybta 43-aad ciidanka xoogga dalka, Laba xidigle C/fitaax Ibraahim Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in Tuulada Muuse Xaaji ay kula dagalameen ururka Al-shabaab, waxaana uu tilmaamay inay ka dileen 11 Dagaalame.

Sidoo kale Taliyaha waxa uu sheegay in gacanta ciidamada xoogga dalka uu isku soo dhiibay sarkaalkii Tuulada Muuse Xaaji u qaabilsanaa Al-shabaab.

Ciidanka xoogga dalka ayaa maalmahan waxa ay hawlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab oo joogto ah ka wadaan degaanada iyo tuulooyinka ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.