Sargaal Katirsanaa Ciidamada Dowlada Oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Isgoyska Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee dowladda xili uu halkaas ku sugnaa.

Dad ku sugan Suuqa Siinaay oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Muqdisho ayaa u sheegay in rag dhalinyaro ah ay toogteen Sarkaalka,isla markaana ay isku dayeen inay baxsadeen,hayeeshee mid kamid ah raggaas Ciidanka Booliska dowlada halkaas ka Agdhawaa gacanta ay ku dhigeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa goobta uu falka ka dhacay ka qaaday Meydka Sarkaalka ka tirsanaa Ciidamada kuwa Canshuurta qaada ee Mnashiibiyada.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Ciidamada ay baaritaano ka wadan nawaaxiga Isgoyska Suuqa Siinaay ee Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaar ka dhaca dilal qorsheysan,kuwaasi oo ay geystaan ragga ku hubeysan Bastoolaha.