Sarkaal Booliska katirsan Oo Lagu Dilay Muqdisho

Barqanimadii Maanta ayaa rag hubeysan waxa ay Suuqa Bakaaraha Suuqa Khudaarta qeybta soo xigta dhanka degmada Hodan waxa ay ku dileyn sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa wuxuu ahaa laba Xidigle ka tirsan ciidamada Booliska Somaliya kaas oo lagu Magacaabi jirey Maxamed Axmed Maalin,iyada oo ay baxsadeen dableydii hubaysnayd ee dilkaasi ka dambeeyay.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen in  Sarkaalka la dilay uu halkaasi shaqo ka haayay, balse si gaadmo ah ku dileen Kooxda hubaysan.

Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federalka Somaliya ayaa tagay goobta dilka uu ka dhacay,iyaga oo sameeyey baaritaano wallow aysan dad u qaban,waxaana meydka sarkaalka la geeyey  Xarunta dambi Baarista Ciidanka Booliska Somaliyeed ee CID-da.

Dilalka qorsheysan ee loo geysto saraakiisha iyo askrata Ciidamada dowladda ayaa ka dhaca Muqdisho,iyada oo ilaa iyo hadda aysan jirin cid loo soo qabtay dilalkaas oo intooda badan ay sheegtaan in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.