Howlgal Ciidamada Amamanka Soomaaliya ay ka sameyeen xaafado ka tirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeyn Sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yarisiow ayaa sheegay in Ciidamada Amniga oo kaashanaya Shacabka degmada Wadajir ay agcanta ku dhigeyn Sarkaalkaas wallow Magaciisa iyo waxa uu u qaabilsanaa Shabaab sheegin.
Waxaan u mahadcelinayaa Shacabka Degmada Wadajir oo gacan ka geystay in la soo qabto Horjooge ka tirsan argagixisada Alshabaab, kaas oo doonayey in uu ku dhex dhuumaaleysto shacabka. Aad ayaan ugu bogaadinaynaa Bulshada Caasimadda feejignaanta ay kaga jiraan argagixisada iyo sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka.