Sarkaal ka tirsan CIA-da Mareykanka oo dil loogu geystay Somalia iyo faah faahin laga bixiyay

Sarkaal ka tirsan CIA-da mareykanka  ayaa dhintay Bishii hore  intii lagu guda jiray howlgal  ka dhan ahaa Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo loo maleynayo Soomaaliya inuu mas’uul ka ahaa weerar lagu dilay Askari Mareykan ah oo ka dhacay Kenya sanadkii hore.

Saraakiil ka tirsan  Sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay  Wargeyska the Guardian in howlgalkan uu ku dhintay Sarkaal ay fulinayeen ciidamo gaar ah oo isugu jiray Soomaali iyo Mareykan , kaas oo ka dhacay degaanka Gendershe, oo ah tuulo xeebeed qiyaastii 30 mayl dhanka koonfur-galbeed ka xigta magaalada Muqdis

Sidoo kale Wargeyska Guardian oo soo xiganayay Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in gari ay la socden Ciidamo isugu jira Soomaaliya & Mareykan ay Al-Shabaab Miino ku qarxiyeen, sidaasina ay ku geeriyoodeen sarkaalka ka tirsanaa CIA-da mareykanka   iyo Saraakiil kale oo Soomaali ah, qaraxaasi oo dhacay xilli habeen ah 6-dii Bishii November ee sanadkaan.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo la shaqeeya cutubka ciidamada gaarka ah ee “Danab” ee uu Mareykanku tababaray ee Shabeelaha Hoose ayaa yiri:

“Saraakiisheenna oo taageero ka helaya saraakiisha Mareykanka. Waxaan ku duulnay 2: 00 am habeenimo. diyaarado oo askarteena waxay lug ku tageen duurka ka hor inta uusan qarax weyn dhicin oo lagu dilay  saaxiibkeen Mareykanka ahaa  iyo afar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Soomaaliya ayuu yiri ” Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa sidoo kale u sheegay the Guardian in Howlgalkn uu ka dambeeyay, kaddib markii la helay macluumaad sheegaya in seddex Saraakiil Sar Sare ah oo ka tirsan Al-Shabaab ay habeenkaasi ku sugan yihiin degaanka  Gendershe ee duleedka Marka, Kuwaas oo uu kamid yahay  Cabdullaahi Cismaan Maxamed, oo ah khabiir sameeya  waxyaabaha qarxa, sidoo kalena la rumeysan yahay inuu mas’uul ka qaraxyo badan  oo boqolaal rayid ah lagu dilay Gudaha Soomaaliya sannadihii la soo dhaafay.

Maxamed, oo sidoo kale loo yaqaan “Injineer Ismaaciil”, ayaa dhowaan dowladda Mareykanku ku dartay liiska waxa loogu yeero “argagixisada caalamiga ah, iyada oo si gaar ah looga xayirayo wixii hanti ah ee uu ku lahaan karo gobollada Mareykanka isla markaana ka mamnuucaya dadka Mareykanka inay wax ganacsi ah la yeeshaan.

Warbixinta kasoo baxday Mareykanka ayaa sheegeysay in Sarkaalkaas uu yahay 36-jir  khabiir sare oo Al-Shabaab u qaabilsan walxaha qarxa, madaxa garabka warbaahinta ee Al-Shabaab iyo lataliyaha muhiimka ah ee Axmed Diiriye oo ah , hogaamiyaha Guud ee Al-Shabaab.

Maxamed ayaa sidoo kale loo haystay inuu maleegayay weeraro is xigxigay sanadkii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan weerarkii bishii Janaayo lagu qaaday xero milatari oo ku taal Kenya oo lagu dilay askari Mareykan ah iyo labo qandaraasle Mareykan ah.