Sarkaal ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland oo lagu dilay Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Bosaaso ee Caasimadda gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay halkaasi ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada Puntland.

Ninka la dilay ayaa ka tirsanaa ciidamada Sirdoonka Puntland ee ka howlgalla Magaalada Boosaaso.

Askariga la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Shiine Maxamed, waxaana la sheegay in ay baxsadeen Kooxihii ka dambeeyay dilkiisa.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyay dilka loo geystay Shiine.

Ciidamada Magaalada Boosaaso ayaa hadda halkaasi waxa ay ka waddaan howlgallo ku aadan dilka loo geystay Shiine.