Dalka kenya waxaa aad loo hadal hayaa dhacdo ka dhacday Dalkaas oo la xiriirta in Sarkaal katirsan Booliiska uu si bareer ah rasaas ugu furay Garsooraha Maxkamadda Makadara Monica Kivuti waxyar kaddib markii uu go’aan ka gaartay Kiis ay ku lug lahayd Marwadiisa.
Sarkaalka ayaa aad uga carooday tallaabada Garsooraha waxaana uu ku sameeyay beegsi ka dhan ah sida ay sheegeen ilo kala duwan oo si dhow uga xog-haya dhacdadaan oo markii dambe ku faaftay baraha Bulshada iyo Warbaahinta.
Askartii Maxkamadda Joogtay o aad uga caroortay ficilkaas ayaa markii dambe toogtay Samson waxaana inta uu howlgalkaan jawaabta ah socday dhaawac uu soo gaaray saddex Askari oo katirsan ciidamada goobta joogay.
Dhammaan xubnaha dhaawacmay waxaa lagu dawaynayaa mid kamid ah Isbitaallada ku yaalla Magaaladaas waxaana xogtooda dahaaray Booliiska oo keliya soosaaray qoraal kooban oo ku sheegay in la dawaynayo dadkaas.