Sarkaal muhiim u ahaa Putin oo qarax lagula dhex dilay Moscow.

Wararka ka imanaya caasimadda Ruushka ayaa sheegaya in maanta qarax xoogan lagu dilay Sarreeye Guuto Fanil Sarvarov, oo ahaa Madaxa tababarrada ciidamada Ruushka. Qaraxa ayaa lagu xiray gaari uu sarkaalka watay, waxaana uu geeriyooday isla goobta, iyadoo burbur xooggan uu gaaray gaarigiisa iyo jirkiisa, sida lagu muujiyey sawirro baraha bulshada lagu baahiyey.

Fanil Sarvarov wuxuu sidoo kale hayay xilka Madaxa howlgalka ciidanka, isagoo si dhow ula shaqeynayay guddi uu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin u xilsaaray arrimaha ciidamada. Sarkaalkaan ayaa door muhiim ah ka ciyaaray qorsheynta iyo tababarka ciidamada, wuxuuna ahaa shaqsi muhiim u ah maamulka ciidamada Ruushka.

Guddiga dambi baarista Ruushka ayaa qaraxa ku eedeeyay sirdoonka Ukraine, iyagoo sheegaya in weerarkan loogu talagalay in lagu beegsado madax sare oo muhiim u ah dowladda Moscow. Dhanka kale, dowladda Ukraine weli kama hadlin eedaha loo jeediyay, inkasta oo ay marar hore weerarro ka fulisay gudaha Ruushka.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadaha Ruushka iyo Ukraine ay aad u kacsan yihiin, iyadoo Moscow ay Kyiv ku eedeysay in ay ka dambeyso falal ka dhan ah saraakiisha muhiimka ah ee dowladda. Arrintan ayaa sidoo kale ka tarjumeysa khatarta sii kordheysa ee dhinaca amniga gudaha Ruushka iyo saameynta ay ku yeelan karto xaaladda siyaasadeed iyo amni ee gobolka.