Sarkaal Sare oo Kudhintay Dagaal U dhexeeya Ciidamo kawada Tirsan Dowlada Somaaliya

Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku dhintay Iska horimaad maanta ka dhacay degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalka ayaa yimid ka dib markii ay isku dhaceen ciidamo kala tirsan Nabadsuggidda Soomaaliya iyo Milatariga.

Isku dhaca ayaa yimid ka dib markii ay ku murmeen dhul ku yaalla Xaafadda Koowo godey ee degmada Dharkeenley.

Ciidamo badan oo ka tirsan dowlada ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka qaadeen Meydadka Sarkaalka ka tirsan Milatariga Soomaaliya.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Magiste sidda ay warfidiyenka u xaqiijiyeen dadka degaanka.

Inta badan Magaalada Muqdisho waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay isku dhacyo u dhaxeeyay ciidamada Nabadsuggida Soomaaliya iyo Milatariga.