SAWIRO:-12 Xubnood oo ka tiran kooxda AS oo ay ku jiraan Horjoogayaal sare oo lagu soo qabqabtay howlgal ka sameeyey Magaalada Baydhabo iyo Nawaaxigeeda.

Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 12 xubnood Oo khawaarijta AS katirsan kuwaas Oo Ciidanka Gacanta kusoo dhigeen.

Xubnahaan  ayaa laga soo qabqabtay Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada ku xeeran kadin markii Ciidanka Howlgalo balaaran maalmihii lasoo dhaafay ka wadeen Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada hoos yimaada.

Xubnahan ay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Nabadsugida ayaa waxaa ka mid ah raggii Khawaarijta u  qaabilsanaa aruurinta lacagaha iyo xoolaha waxa ay kooxdu ugu yeerto (sakawaadka) iyo kuwa ka tirsan dhanka jabhada.

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa howlgaladaan qorsheysan ka wada guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed kuwaasi oo lagu xaqiijinaayo amniga guud ee Deeganada Koonfur Galbeed.

Ma ahan markii ugu horeysay ay Ciidanka gacanta kusoo dhigeen dagaalamayaal ka tirsan khawaarijta AS, ayada oo ay xusid mudan tahay in horey laamaha amaanka ay ku guuleysteen sidoo kalana uburburiyeen shabakado ka howlgali jirey Magaalada Baydhabo lana horgeeyey Sharciga iyo laamaha Cadaalada.