SAWIRO: Bulshada iyo maamulka Matabaan ee Gobolka Hiiraan oo maanta siwada jir ah u dhigeen, munaasabad ku aadan xuska sannad-guurada 63-aad,ee 1da l

Ayada oo wali lagu guda jiro Dabaaldega Todobaadka Xoriyada, ayaa Bulshada iyo maamulka Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxa ay maanta siwada jir ah u dhigeen, munaasabad ku aadan xuska sannad-guurada 63-aad, ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada gobol ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luuliyo 1960.

Munaasabada waxa kasoo qeyb galay Maamulak Degmada ee ugu horeeyo Gudoomiyaha Degmada Bashiir C/raxmaan Sheekeeye, Gudoomiye ku xigeenada, Masuuliyiinta kale ee Maamulka, Taliska Boosliiska Degmaad iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan.

Masuuliyiintii ka hadlay munaasabada ayaa siweyn u dul istaagay ahmiyada ay leedahay 1da Luulyo oo ah maalinta ay Ummadii Soomaaliyeed ee ku nooleed Xiligaasi ay iskaga qaaday heeryihii gumeysigii Talyaaniga koonfurta Soomaaliya iyo sila maalintaasi ay ahayd maalintii ay midoobeen labadii gobolee Waqooyiga ee hada loo yaqaan Soomaaliland iyo Koonfurta Soomaaliya.