(SAWIRO): Gudoonka guddiga Caleemasaarka Madaxweyne Qoorqoor oo soo gaaray Dhusomareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa Maanta soo gaarey Xubno kamid ah Guddiga qaban qaabada xaflada Caleemo-saarka Madaxda Cusub ee Galmudug ee halkaan lagu doortey.

Xubnaha Maanta soo gaarey magaaladda ayaa waxaa hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar,waxaana Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.

Ujeedada imaatinka guddiga ee Magaalada Dhuusamareeb  ayaa ah qiimeyn iyo sahmin tasiilaadka loo baahanyahay iyo si loo diyaariyo dajinta martida balaaran ee kasoo qeybgalaysa munaasbadda caleemar saarka.

Guddiga ayaa la kulmi doona madaxda Galmudug si ay ugu dhawaaqaan xilliga munaasabada caleema saarka la qabanayo.