(SAWIRO): Maamulka cusub ee Dhusomareeb oo xilka kala wareegay Maamulkii hore

Madaxweyne ku Xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa ka qeybgalay munaasabad ay xilalka ku kala wareegayeen maamulkii hore ee Caasimada Dhuusomareb iyo maamulka cusub.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo agaasimay waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan labada gole ee dowlada fulinta iyo sharci dajinta.

Guddoomiyhii hore ee Magaalada Dhusamareeb Macalin Nuur Cilmi Cabdulle, ayaa xilkii, Agab iyo Decomentiyaba ku wareejiyey Guddoomiyaha dhawaan la magacaabay Macalin C/raxmaan Geedo qoroow.

Ugu danbeyntii Madaxweyne ku xigeenka Dowlad gobaleedka Galmudug oo ka hadlay munaasabada xil wareejinta ayaa umahad celiyay maamulkii hore ee caasimada, isla markaana kula dardaarmay madaxda cusub in ay si wacan u gutaan masuuliyadda loo igmaday.