SAWIRO:-Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh, oo gaaray magaalada Daressalam ee dalka Tanzania.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Daressalam ee dalka Jamhuuriyadda Tanzania, halkaas oo uu ka bilaaban doono booqasho rasmi ah kaddib markii uu casuumaad ka helay Madaxweyne Samia Suluhu Hassan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa, oo ay ku jiraan Wasiirada Arrimaha Dibadda, Cadaaladda, iyo Warfaafinta, ayaa inta ay joogaan Tanzania waxay kulamo la yeelan doonaan Madaxweyne Samia Suluhu Hassan iyo madax kale. Waxaa kale oo labada dal ay kala saxiixan doonaan heshiis iskaashi oo dhinacyo kala duwan leh.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku guda jiro booqashadiisa waxaa uu sidoo kale ka qeybgeli doonaa xuska sannadguuradii 60-aad ee ka soo wareegtay midowga dalkii hore loo oran jiray Tanganyika iyo Jasiiradaha Zanzibar oo markii dambe wada qaatey magaca Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania.