(SAWIRO) Madaxweyne Qoorqoor oo la caweeyay Bulshadda Caasimadda Dhusomareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoorqoor) ayaa caawa la caweeyay bulshada Caasimada Dhuusamareeb, isla markaana ka dhageystay talooyin muhiim ah oo ku aadan dhismaha Galmudug tayo leh.

Sidoo kale, waxa uu u kuurgalay xaaladda amni iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Magaalada isagoo ka dukaameystay mid kamid ah xarumaha ganacsiga Dhusomareeb.