(SAWIRO): Madaxweyne Qoorqoor oo la kulmay Saraakiisha Ciidankii Ahlusunna ee todobadkan la wareejiyay.

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” ayaa caawa kulan gaar ah la qaatey Saraakiishii Ciidanka Ahlusunna u dagaalamayay ee todobaadkan uu wareejiyay Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Kullankan ayaa diiradda lagu saaray sidii Saraakiishani uga qeyb qaadan lahaayeen howlaha sugidda Amniga Galmudug iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku booriyay Saraakiishani in ay ka qeyb qaataan Nidaamka Dowladnimadda iyo Sugidda Amniga, waxaa arintaasi soo dhoweeyay Saraakiisha ka timid dhanka Ahlusunna.