SAWIRO:-Munaasbad ay ku qalin-jabinayeen in ka badan 100 Arday dhammeysatay Qiraa,aadka Qur,aanka iyo Culuumta Shareecada Islaamka oo lagu Qabtay Guriceel.

GURICEEL, GALGADUUD – Machadka barashada Qiraa’aadka iyo Culumta Shareecada Islaamka ee Al-Caydaruus ayaa qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay qalin-jabinta dufcadii koowaad ee ardayda machadka. Xafladdan, oo ka dhacday mid ka mid ah hoolalka ugu waaweyn ee degmada Guriceel, ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Galmudug iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug, Agaasimaha Guud ee Tababarada iyo Macaahida Wasaaradda Waxbarashada Mudane Maxamed Xasan Mukhtaar, iyo Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Cilmi Cali Ganeey, ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta sare ee munaasabadda sharafta leh ka soo qayb galay.

Sidoo kale, waxaa xaadir ahaa wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Galmudug Maxamed-deeq Cabdi Falko, Gudoomiye Ku Xigeenka Dagmada Guriceel Dr. Shaafici Cabdi, iyo marti sharaf kale oo ay ku jiraan ururada waxbarashada, ururada haweenka iyo dhalinyarada, agaasimayaal wasaaradeed, xildhibaano, culimaa’udiin uu horkacayo Sheikh Cali Nuur Cilmi oo ah Sheekhul baladka Caasimada Dhusamareeb iyo saraakiil ciidan.

Xafladda ayaa ku bilaabatay akhrinta Aayaadka Qur’aanka Kariimka ah ee Qowlka ALLAAH (SWT) kadib, ayaa ugu horeyn ardaydii qalin-jabineysay waxa ay soo bandhigeen Culuumtii kala duwanayd oo ay ka xambaareen ama ay ka barteen Machadka Al-cayduruus taasi oo aad u soo jiidatay dhammaan kasoo qeyb galayaashii Munaasabada.

Ugu dambayn Martidii kala duwanayd ee Xafladaan lagu casuumay ayaa isku mid ah amaan iyo Bogaadin u jeediyey Maamulka, macalimiinta Machadka, sidoo kale waxa ay ku booriyeen Ardayda qalin badalaneysa in cilmigooda qiimaha badan ee Diinta Islaamka ah, ay sii baraan oo ay gaarsiiyaan Bulshada soomaaliyeed.