(SAWIRO): Shirkii Gorowe oo furmay iyo Masuuliyiin ka qeyb galaya

Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa goordhow ka furmay Shirka wadatashiga Maamulka Puntland,kaas oo ay ka qeyb gelayaan in ka badan 469 ergo oo ka kala yimid dalka Gudihiisa iyo dibadiisa.

Shirkan oo socon doona muddo Saddex Cisho ah ayaa waxaa ka qeyb-galaya Wasiirada & Xildhibaannada labada Gole ee ku matalaya Dowladda Federaalka,inta badan mas’uuliyiinta Maamulka Puntland, Madaxweynayaashii hore ee Puntland,Odayaal & Waxgarad iyo dad kale oo lagu Casuumey.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo la xiriira aayaha Maamulka Puntland,khilaafka Dowladda iyo Maamulka Puntland u dhaxeeya iyo jihooyinka siyaasadeed ee la aadayo maadaama dalka uu galayo xilli kala guur ah.

Inta uu shirka socdo ayaa waxaa la filayaa in uu khudbad ka jeediyo Madaxweynaha Puntland oo shirkaan iclaamiyey 8-dii Bishii Febaraayo ee sanadkaan,taas oo uu kaga hadli doono xaalada siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka kala dhaxeeya Dowladda.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa Maanta aad loo adkeeyey,waxaana Magaalada lagu arkayaa Ciidamada Puntland oo ammaanka siwyen u xaqijinaya waxaa yar isku socodka gaadiidka iyo dadka,iyada oo sidoo kale ay xiran yihiin Goobaha Waxbarashada.