SAWIRO:- Soomaaliya iyo Masar oo Xiriir Istiraatiijiyadeed Ku Tallaabsanaya, iyadoo la Taageerayo Madax-banaanida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Qaahira kulan muhiim ah kula yeeshay dhiggiisa Masar, Dr. Badr Abdel Aty. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, kobcinta iskaashiga, iyo ka go’naanshaha Masar ee taageerada madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in xiriirka labada dal la gaarsiiyo heer istiraatiijiyadeed, iyagoo sidoo kale qorsheeyay in kulan kale oo heer sare ah lagu qabto Janaayo 2025, kaas oo lagu xoojin doono qorshayaasha iskaashiga cusub.