Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo ay wehliyaan Wasiiro katirsan Galmudug iyo maamulka Degmada Caabudwaaq ayaa maanta xariga kajaray Iskuulka hoose dhexe iyo sare ee Farjano oo dhawaan laga hirgaliyay Degmada Caabudwaaq.
Xafladan xariga looga jarayay Iskuulkan oo ay Dhisteen Qurbajoogta Deegaankan Ayaa waxaa goobjoog ahaa wasiiro katirsan Galmudug, Xildhibaano katirsan Galmudug, Maamulka Degmada Caabudwaaq iyo qaybaha bulshada Degmada Caabudwaaq.
