Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo, soo xiray Shirka Dib-u-heshiisiinta Beelaha Dega Galmudug.

Kadib ayuu Madaxweyhu kulamo kala duwan oo gooni-gooni ah la yeeshay ururada bulshada rayidka, odayaasha dhaqanka, hogaanka sare ee culimada Ahlusuna Waljameeca, iyo saraakiishii la qarameeyey ee maamulkii gobollada dhexe ee Ahlusuna.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan saacado badan qaatay la yeeshay saraakiishii ka soo gudbay hab-raaca diiwaangelinta Ciidamada Qaran. Wuxuu si weyn ugu dhiirrigeliyey ugana bogaadiyey doorkii hogaamineed iyo halganka ay deegaanadaas uga xoreeyeen kooxaha argagixisada ee dalka kusoo duulay. Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyey in dagaalkaasi, oo kacdoonkii culimada horkacayeen, laga gaaray guulo waaweyn isla markaasna la hor istaagay in kooxahaas xukun kooda gurracan uu guud ahaan dalka ku faafay. Dadkii ku dhintay dagaalkaas wuxuu ku tilmaamay shuhado difaacayay dalkooda, diintooda, iyo deegaankooda argagixisada ka badbaadinayay. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku adkeeyey saraakiisha inay sii laba laabaan doorkoodii kaga aaddanaa la dagaallanka Khawaarijta.
Saraakiisha uu Madaxweyne Farmaajo kulanka la qaatay waxaa ka mid ahaa: Taliyaha Guutada 15-aad Qeybta 21-aad ee CXDS, Mascuud Maxamed Warsame; Taliyaha Ciidanka NISA ee caasimadda Dhuusamareeb, Qooje Cabdi Shiikh-doon; Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb; iyo Taliyaha Ciidanka Hogaanka Nabadgelyada Gobolka Galgaduud, Caydiid Maxamed Cali.
Madaxweyne Farmaajo ayaa si gaar ah u bogaadiyey, Taliye Caydiid, kuna ammaanay howl-
karnimadiisa, asaga oo uga mahadceliyey sugidda amniga goobta uu ka socday Shirka Dib-u-heshiisiinta Beelaha Galmudug, maadaama uu ahaa mas’uul uu u idmaday gudashada waajibkaasi Madaxa Xukuumadda Galmudug, Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
DHAMMAAD.
