Kulankaan oo ay iskugu yimaadeen Guddiyada Ololaha Musharrax Madaxweynaha Galmudug, Mudane Mahad Maxamed Salaad ee ka dhisan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb iyo Degmada Guriceel, aqoonyahanno, dhalinyaro iyo haween iskugu jira ee ka tirsan Beesha Cayr, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan Beerta Ganacsade Cabdinaasir Xaashi Garuun.
Kulankaan ayaa ahaa mid lagu sii ambaqaadayey hanaanka iyo jihaynta guddiyada kala duwan ee ka shaqeynaya ololayaasha Musharrax Madaxweynaha Galmudug, Mudane Mahad Maxamed Salaad. Ujeedada kulanka ayaa ahayd in si qoto dheer looga doodo damaca iyo go’aan qaadashada hoggaaminta Galmudug, iyadoo la isku raacay in beesha ay garab istaagto yoolka iyo hiigsiga musharraxa.
Intii kulanku socday, waxaa la isla qaatay in si mideysan looga faa’iideysto fursadaha jira si loo gaaro guul dhab ah. Doodaha iyo gor-faynta ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa in taageerada ay noqoto mid xooggan oo wax-ku-ool ah, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyey caqabadaha jira iyo siyaabaha ugu habboon ee looga gudbi karo.
Waxa kale oo kulanka lagu lafa guray muhiimadda ay leedahay isku xirka iyo wada shaqeynta guddiyada kala duwan, si loo hubiyo in ololaha musharraxa uu noqdo mid waxtar leh oo ku saleysan aragti mideysan oo ku aaddan horumarinta Galmudug. Waxaa lagu go’aamiyey in dadaalada jira la xoojiyo, si loo abuuro mustaqbal mideysan oo ku dhisan nabad, horumar, iyo is-aamin.
Kulankan muhiimka ah ayaa si weyn loogu dhiirri-geliyey ka qeybgalayaasha inay sii wadaan taageeradooda firfircoon, isla markaana ay qeyb ka noqdaan isbeddelka ay beesha iyo bulshada reer Galmudug baahi weyn u qabaan. Waxay sidoo kale isla garteen in la sameeyo qorshe qoto dheer oo hagaya mustaqbalka siyaasadda iyo horumarinta deegaanka.