Maamulada Degmooyinka Balanbal iyo Guriceel ayaa ku guuleeystay in ay dib ugu celiyaan dadkii lahaa geel laga soo dhacay dhanka Waqooyiga Balanbale ee Gobolka Galgaduud.
Goobta lagu wareejinayey geelaan waxaa ku sugnaay Xog-hayaha D/balanbal Mudane Axmed Cismaan, Taliyaha Booliiska D/guriceel Galad Muxumed Qeyliye, Taliye ku xigeenka Balanbal Mudane Saalax cabdulle Aadan, Gudoomiyaha Deegaanka Oodaale Qalbi Maxamed Aadan Xubno ka tirsan Golaha Deegaanka D/balanbal iyo dadkii lahaay geela.
Masuuliyiinti kasocotay Maamulada labada degmo ayaa ku booriyey in ay dadka deegaanka ay wada shaqeeyaan sidii ay u wada noolaan lahaayeen oo ay laamaha amaanka kala shaqeeyaan kusoo wargalinta cid kaste oo ku howlan falal lid ku ah bulshada, dhanka kale masuuliyiinta waxa ay balan qaadeen in muddo kooban lagu keeni doono geel kale oo horey looga dhacay dhanka koonfurta Balanbal.
