SAWIRO:Munaasabadda Lix Sano Guuradii Xil-Haynta Madaxweyne Laftagareen oo Ka Dhacaysa Baydhabo

 

Munaasabadda lix sano guurada ka soo wareegtay xil-haynta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa caawa ka dhacaysa magaalada Baydhabo. Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Xildhibaanada labada gobole ee DFS, Wasiiro heer dowlad goboleed iyo Federal, bulshada reer Koofur Galbeed iyo marti shataf kale oo lagu casuumay.

Munaasabaddan waxa ay kusoo aadeysaa xili ay jirto horumaro iyo caqabadaha soo maray maamulka Laftagareen mudadii uu xilka hayay.

Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa xilligiisa madaxweyne ee Koofur Galbeed ka sameeyey horumar la taaban karo, oo ay ka mid yihiin:

Bilicda iyo Horumarka: Magaalada Baydhabo ayaa noqotay mid si weyn u horumaray, iyadoo la hagaajiyay bilicda guud ee magaalada, waxaana ka muuqda dhismooyin casri ah, jardiinooyin, iyo adeegyo bulsho oo la xoojiyey.

Laamiyada iyo Jidadka: Mudane Laftagareen ayaa xooga saaray horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhismaha iyo dayactirka laamiyada. Laamiyada muhiimka ah ee isku xira gudaha caasimada ku meel gaarka ah ee Baydhabo ayaa dayactir iyo kuwa cusub lagu sameeyay, taas oo fududeysay isu-socodka iyo ganacsiga.

Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo: Laftagareen wuxuu dhisay garoonka diyaaradaha ee Baydhabo, taas oo ka dhigaysa Baydhabo inay noqoto magaalo muhiim u ah dhanka safarada iyo duulimaadyada

Iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la shaqeysay maamulka Koofur Galbeed si loo horumariyo adeegyada aasaasiga ah iyo amniga, waxaana xoojiyey iskaashiga dhinacyada ammaanka, siyaasadda, iyo dhaqaalaha. Waxa uu Laftagareen sidoo kale si dhow ula shaqeeyay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gargaarka, iyadoo arrimaha nabadgelyada iyo horumarka bulshada ay yihiin kuwa ugu muhiimsan.

Caqabadaha iyo Dhaliilaha Maamulka Laftagareen waxaa ka mid ah:

 Mudo Xileedka oo Laga Dareemay: Mudane Laftagareen wuxuu kororsaday muddo xileedkii, iyadoo xeerarka doorashooyinka ee Koofur Galbeed lagu murmayay. Doorashadii la filaayay in lagu qabto waqtigii loogu talagalay ayaa dib u dhacday, taasoo dhalisay cabashooyin badan oo ka yimid mucaaradkii u hanqal taagayey hugaaminta Maamulkaasi iyo shacabka.

Caburinta Siyaasiyiinta iyo Xorriyadda Hadalka: Waxaa la diiwaan galiyey in maamulka Madaxweyne Laftagareen lixdii sano in ku kacay caburin iyo xadgudub ku saabsan xorriyadda siyaasadeed. Xubno Siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa saxaafadda ayaa lagu eedeeyay in lagu cadaadiyo, laguna caburiyo codkooda si ay u aamusiyaan khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Koonfur galbeed.

Xaaladda Al-Shabaab iyo Amniga: Koofur Galbeed ayaa weli la tacaalaysa amni xumo, iyadoo Al-Shabaab ay weli gacanta ku hayaan qaybo ka mid ah deegaannada Maamulkaasi. Kooxdan ayaa xayiraad iyo cunaqabateen ku soo rogtay deegaanno badan, iyadoo degmada Xudur ee gobolka Bakool ay ka mid tahay goobaha ugu darnaa oo ay kooxdu dhan waliba ka go,doomiso. Al-Shabaab ayaa sidoo kale ku qaaday weeraro hubeysan iyo falal amni-darro ah, taasoo saameyn weyn ku yeelatay qeybo ka mid ah amniga deegaanka Maamulkaasi Koonfur galbeed.