SAWIRO:Soomaaliya oo La Wareegtay Hoggaanka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF).

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay hoggaanka Ciidanka Heeganka Bariga Afrika (EASF) oo ah urur goboleed ka shaqeeya nabadda iyo ammaanka gobolka Bariga Afrika. Ururkan ayaa ka mid ah shanta ciidan goboleed ee Afrika (ASF), waxaana uu ka kooban yahay qeybaha militari, boolis iyo rayidka.

Intii uu socday shirka sanadlaha ee 33-aad ee dejinta siyaasadaha EASF, Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xilka guddoomiyaha Golaha Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Amniga ee Gobolka Bariga Afrika kala wareegay dhiggiisa dalka Rwanda, Mudane Juvenal Marizamunda.