SAWIRRO: Ciidamada Booliska Muqdisho oo qabtay Rag ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriye

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen Xaafadda Gubadley ee degmada Kaaraan waxa ay kusoo qabteen rag ka  ganacsanaayay waxyaabaha Maanka dooriye.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ee howgalka ka fuliyay xaafadda Gubadley ee degmada Kaaraan ayaa sheegay in Ciidamada amaanka iyo dadka degaanka ay uga mahad celinayaan howlgalkaasi lagu qab qabtay dadkaasi falalka amniga liddiga ku ah ku jiray.

Waxaa ay sidoo kale sheegeen in dadka Shacabka ay gacansiiyeen ciidamada Booliska ee howlgalkaasi fuliyay, islamarkana ay xogta u soo gudbiyeen ciidamada.

Saraakiisha qaar oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in eedeysanayaasha lagu wareejinayo laamaha caddaaladda ee dalka si Maxkamad loo horgeeyo.