SAWIRRO: Dhibaato ka taagan Wadada Masjidka Xareed ee Bakaaraha

Qaar ka mid ah Wadooyinka ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa go’ay ka dib markii ay noqdeen kuwa ay fadhiisteen biyo , sidoo kalena lagu soo guray Qashin.

Degmada Howlwadaag gaar ahaan Wadada Masjidka  Xareed ee Aadi isgoyska Baar Ubax ayaa ka go’day ka dib markii bilooyin ka hor ay Fadhiisteen biyo,islamarkaana waxa ay waddaasi noqotay mid lagu soo guro qashin badan.

Wadda Xareed ayaa muhiim ah u ah Isku socodka  dadka iyo Gaadiidka.

Qaar ka mid ah Ganacsatadda ayaa sheegay in waddaasi horay lagu sameeyay dayactir, islamarkaana la saaray waddo laami Balse nasiib daro ay weyday maamul daryeela.

Inta badan maamulada degmooyinka Magaalada Muqdisho ayaa ka fekarin ilaalinta Nadaafadda Wadooyinka dib u dayactirka lagu sameeyay.