SAWIRRO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka soo laabtay dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula soo qaatay madaxda dalka Jabuuti.

Madaxweeyne Shariif ayaa maalmo ka hor dalka Jabuuti kulamo kula soo qaatey Madaxda Jabuuti iyo Shirkado Caalami ah iyagoo kala saxiixday dib u dhiska Dakadaha Magaalooyinka Koonfur Galbeed gaar ahaan Dakadda Baraawe Iyo Dakadda Magaalada Marka iyo Mashaariic kale.