Sawirro:-Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dhex Dilay Goobtiisa Ganacsi Dalka K/Afrika

Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay dalka Koonfur Afrika waxa ay ku dishay muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Ganacsatada dalkaasi.

Muwaadinka la dilay oo lagu Magacaabi jiray Hilaal Xersi Jaamac,waxaana kooxaha Burcad ah ay ugu tagen goobtiisa Ganacsi oo ku taalla Xaafad lagu Magacaabo Hanover Park oo hoos timaadda Magaalada Cape Town.

Kooxihii burcada ahaa ee dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday,waxaana meydka Marxuumka qaaday dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka mid ah kuwa ku Ganacsada dalkaasi Koonfur Afrika.

Dad ku sugan Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen in Burcada hubeysneed ay dhowr xabadood madaxa kaga dhfteen marxumka,isla markaana isla goobta uu ku geeryooday.

Taliska Booliska Magalada Hanover Park weli dilkaasi muwadinka Soomaaliyeed kama hadlin,waxaana inta badan ciidamada Booliska aysan soo hadal qaadin dilalka loo geysto Soomaalida.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu ka mid yahay Wadamada ugu badan ee lagu dhibaateeyo dadka Soomaaliyeed,waxaana bishaan gudaheeda lagu dilay muwaadinkii labaad.