Sawirro:-Qaar Ka Mid Ah Dhalinyaro Ka Soo Badbaaday Magafayaasha Libya Oo Muqdisho Soo Gaaray

Qaar kamid ah Tahriibayaashii Soomaaliyeed ee ku dhibanaa gudaha Wadanka Liibiya ayaa  Maanta laga soo dajiyey  Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Muwadiniintan maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa tiro ahaan gaarayey ilaa iyo 11-qof , waxaana dadkaan kamid ah caruur iyo haween ay wajiyadooda ka muuqdeen duruuftii adkeyd oo ay kula soo kulmeen dalka Liibiya.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiiro katirsan xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaano matalayey labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo sidoo kale masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweeyey muwaadiniintaan maanta dib uga soo laabtay dalka Liibiya oo muddo ay ku heystay dhibaatooyin xoogan.

alka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ku bixisay sidii dalka dib loogu soo celin lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibanaa dalka Liibiya, iyadoo natiijada dadaalkaasi uu keenay in maanta qaarkood dalka dib loogu soo celiyo.

 

Maryan Yasiin  oo ah Ergayga gaarka ah ee Xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan xuquuqda tahriibayaasha ayaa sheegtay in muwadiniinta maanta lagu soo celiyey dalka ay qabaan dhib badan oo ay u geesteen kooxaha arxanka daran ee Magafayaasha loo yaqaan.