SAWIRRO: Shariif Xasan oo lagu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo

Baydhabo-GNNFM- Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saakay ka amba baxay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxayna gaareen Baydhabo, iyadoona lagu soo dhaweeyay Garoonka Shaati Gaduud.

Wafdiga Shariif Xasan ayaa waxaa Garoonka Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay), Xildhibaano, Saraakiil ciidan iyo xubno kale.

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Sabtidii ina dhaaftay ka soo laabtay dalka Jabuuti, oo 11-kii bishan ay u duuleen, halkaasi oo uu kula soo kulmay Madax ka tirsan dalkaasi.

Shariif Xasan oo shalay tagay degmada Afgooye ayaa xariga ka jaray Saldhiga Booliska ee degmadaasi, isagoona shahaadooyin guddoonsiiyay Taliyaha Saldhiga iyo Gudoomiye Ku xigeenka Degmada Afgooye ee dhinaca Arrimaha Bulshada.