Sawirro:Maamulka Degmada Guriceel oo qabtay kulan dadweyne

Masuuliyiinta Maamulka Degmada Guriceel oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Farah Abdi Mo’allim, Guddoomiye ku-xigeenka Shafi’i Jama Abdi, Xog-hayaha Bashiir Maxammad Salaad iyo qaar ka mid ah shaqaalaha doowladda hoose ayaa ka qayb-galay kulan dood Su,aalo is waydaarsi ah oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Gal-mudug kuna saabsanaa kor u qaadista isla xisaabtanka doowladaha hoose.
Kulankan oo ahaa mid ay isku arkeen bulshada qaybaheeda kala duwan iyo madaxda Maamulka Degmada Guriceel ayaa si daah-furan su,aalo loogu waydiiyey Maamulka.
Guddoomiyaha Degmada farah Abdi Mo’allim oo madashan ka hadlay ayaa tilmaamay in
kulammada nuucan ah loo baahnaa ka degmo ahaanna ay bogaadinayaan hadda kadibna ay iyaga maamulka ahi soo abaabuli doonaan doodaha iyo kulammada caynkan ah.