SAWIRRO:Saraakiisha Ciidamada Gor-gor oo gaaray gobolka mudug

Taliyaha Guutada 18aad ee Gorgor xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Xasan Ciraaqi ayaa saaka booqday Fariisimaha Ciidamada Komaandooska Gorgor ee duleedka Magaalada Wisil ee koonfurta Gobolka mudug.
Taliyaha Guutada 18aad ee Gorgor xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Saraakiisha iyo Ciidamada ku Amaanay doorkoodii ku aadanaa Dagaaladii ay koonfurta Gobolka mudug oga saareen Khawaarijta arxanka daran ee AS iyo dhabar adaygii ay muujiyeen
Saraakiisha Komaandooska Gorgor ee koonfurta Gobolka mudug ayaa sheegay inay ku howlan yihiin sidii khawaarijta Galmudug looga saari lahaa