Senator Cabdi Qeybdiid oo baaq u diray madaxda Puntland

Guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku sugan degaanada Puntland ayaa madaxda Puntland ugu baaqay inay gacan ka qeystaan xalinta khilaafka ka dhexjira madaxda Galmudug.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay madaxda Puntland inay gacan iyo talo u fidiyaan madaxda khilaafka ka dhexjira ee Galmudug, maadaama ay yihiin laba maamul oo deris ah, hadii dhib ka dhaco Galmudug uu saameyn karo Puntland.

“Intaas kadib waxaa la rabaa oo madaxda Puntland ugu baaqayaa inay u fidiyaan gacan iyo talo madaxda khilaafka ka dhex jira ee Galmudug, maxaa yeelay waxaad tihiin laba maamul oo deris ah, wixii iyaga ka xumaada idinkana way idinka xumaanayaan”. ayuu yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Khilaafka ka dhexjira madaxda Galmudug oo mudo soo jiitamayay ayaa weli aanan laga gaarin heshiis sax ah, dowladda federaalka ayaa ku guul dareysatay inay xaliso khilaafkan, maadaama ilaa hadda aanay qaadin talaabo deg deg ah oo xiisadan wax looga qabanayo.