Senator Cismaan Dubbe oo ka tirsanaa Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu iska casilay xilkaas.
Waraysi gaar ah oo uu suuyay BBC-da ayaa sheegay in sidoo kale uu ka tanaasulay qadiyadda midnimada Soomaaliya oo uu ka mid ahaa siyaasiyiinta u ololeeya.
Senator hore Dubbe waxa uu sheegay in seddexdii sano ee ugu danbeeysay in uu Baarlamanks gudihiiss ka sheegayey in sida wax ku socdaan laga daayo.
Waxa uu ku eedeeyay in wax walba la qaatay sida xukunkii , xurmadii dhaqaalihii, deeqihii waxbarashada, tababarradii iyo metalaadii, Somaliland ay meel ku go’doonsantahay.
Sababaha uu isku casilay ayuu sheegay “inuu ku qanacay in wixii uu ka shaqeeynayey dadkii uu ku metelayey aanay dan u ahayn”
anigu waxa aan ahaa qof aamisanaa wixii uu ka shaqeynayey laakin waxa aan gaaray laba go’aan
“Midnimiaddu dadkeygii dhibaato ayeey ku tahay wax dadkeyga lagu dhibaateeynayo kamasii shaqeyn karo”
Senatar Dubbe waxa uu sheegay in dhibaatooyinkaas uu isku dayey in uu wax ka qabto, mar in uu xalliyo, mar in uu wacdiyo, laakin intaba markii ay soo dhaafto, waxa aad gaareeysaa buu yiri barako ma laha.