Sergio Ramos Oo Ku Dooday In Marcelo Vieira Uu Ka Mid Yayahy Sababaha Ugu Muhiimsan Farxada Iyo Guulaha Real Madrid.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in saaxiibkiis daafaca dambeedka bidix ee reer Brazil iyo kooxda Los Blancos ee Marcelo Vieira uu qeyb ka yahay sababaha farxada iyo guulaha ee kooxda Real Madrid.

Marcelo oo haatan 29 sanno jir ah ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican caalamka ee ka ciyaarta daafaca bidix, waxaase la dhihi karaa sidoo kale taariikhda kubada cagta, kadib bandhigiisa cajiibka ah uu sameeyay tan iyo markii uu yimid kooxda Real Madrid sanadii 2006, isagoo sidoo kale haatan noqday kabtanka labaad ee kooxda kadib Sergio Ramos.

 

Ramos oo la hadlayay saxaafada ayaa wuxuu yidhi: “Marcelo wuxuu ka mid yhay sababaha ugu muhiimsan ee farxada kooxda Real Madrid, wuxuu muhiim u yahay qaab difaaceedkeena, marka laga hadlayo dhanka weerarka uma baahna amaan, sababtoo ah wuxuu soo bandhigaa qaab ciyaareed aad u wanaagsan”.

Tan iyo markii uu la wareegay Zinedine Zidane kooxda Real Madrid, difaaca reer Brazil Marcelo ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah, wuxuuna sidoo kale qeyb ka noqday sababaha guulaha waaweyn ay u gaartay Los Blancos sanooyinkii ugu dambeeyay ee lasoo dhaafay.