Shabaaab Oo Weerar kuqaaday Degaanka Sanguuni

Ururka Al-Shabaab ayaa Weerar Ismiidaamin ah ku qaaday Saldhigga ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Baar Sanguurni ee Duleedka Magaalada Kismaayo.

Sidda ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayay Shabaab la beegsadeen Saldhigga Ciidamada Jubbaland.

Qaraxan ayaa waxaa fuliyay nin waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo kaxeynayay gaari Caasi ah oo la soo miidaamiyay, wuxuuna ku qarxay afaafka hore ee xerada.

Saraakiisha ciidamada dowladda  ayaa waxa ay inoo sheegeen khasaaraha qaraxan ka dhashay inuu ku kooban yahay oo keliya ninkii gaariga kaxeynayay oo ku geeryooday, balse aanay jirin khasaare ciidanka ka soo gaaray qaraxan.