Shabaab-kii ugu badnaa oo isku soo dhiibay dowladda

 8-Xubnood oo ka soo goostay Khawaarijta ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kooxdaan ayaa isku soo dhiibtay ciidanka NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed.

Waxaa sii kordhaya xubnaha ka soo goosanaya argagixisada ee isku soo dhiibaya dowladda, xilli ay sii xoogeysanayaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka ka socda.

Labadii todobaad ee ugu dambeysay 25 xubnood ayey gaartay tirada dhalinyarada ka soo hartay fikirka guracan ee Khawaarijta, kuwaas oo iska soo dhiibay deegaanada K/Galbeed.

Horjooge Hanad oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa galabta isku soo dhiibay ciidanka xooga dalka ee ku sugan aagga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Ninkaas ayaa xiriir la soo sameeyey saraakiisha ciidanka, isagoo ku wargeliyey inuu ka soo baxsaday Al-Shabaab, isla markaana uu diyaar u yahay inuu isku dhiibo dowladda.

Inkastoo deegaanada qaar ay ka socdaan howlgallo culus, sida Jubbaland, hadana waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay bilowdaan dagaalo culus oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaami doono.