Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay howl-gal culus oo maanta ka dhacay deegaanno dhaca degmada Afgooye, kaasi oo lagu dilay Shabaab badan oo isku aruursanayay halkaasi.
In ka badan 30 Shabaab ah ayaa lagu dilay howl-galkan oo ay iska kaashadeen ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamka, kaasi oo si gaar ah uga dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howl-galkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta maleeshiyaad Shabaab ah oo isku aruursanayay deegaannadaasi, kuwaasi oo waday abaabul ay ku dhakrayaan shacabka Soomaaliyeed.
Si kastaba, ciidanka qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu dambeeyay Al-Shabaab ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Sh/Hoose, oo xubnaha kooxda dooneysay inay si dhuumaalaysi ah u soo galaan.
Howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo bilihii lasoo dhaafay hoos u dhacay ayaa u muuqda in toddobaadyadii u dambeeyay la dardar-gelinayo, iyada oo kooxda ay dib u qabsatay deegaano horey looga saaray kadib markii ciidanka ay iskaga baxeen.