Shabaab Oo Afduubatay Gudoomiye yaal Degmo

Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobalka Gado ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Afduubteen Gudoomiyaal degmo iyo Wiilal ay dhaleen kadib markii ay si lama filaan ah ay gudaha ugu galeen degaanadii ay maamulayeen gudoomiyaashaas

Xogaha ay helayso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Al-shabaab ay Afduubteen C/laahi Kuusow Maxamed oo ahaa Gudoomiyihii deegaanka Shaataaloow oo hoostagta degmada Luuq ee gobalka Gado iyo sidoo.

Dhinaca kalana waxaa la sheegayaa Al-shabaab sidoo kale ay Afduubteen gudoomiyaha tuulada Cadaley Axmed Cumar iyo wiil uu dhalay,sidoo kalana ay horay u wateen garigii gudoomiyaha.