Shabaab oo ka hadlay Wararka sheegaya in uu geeriyooday Abu Cubayda

Al-Shabaab ayaa war kasoo saaray Wararka sheegaya in uu geeriyooday Hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeyda.

War kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu beeniyay Geeridda Abuu Cubeyda, waxaana ay sheegeen in uu nool yahay.

Warka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in wararkaasi ay faahfaahisay dowladda Soomaaliya,islamarkaana ay tahay wax kama jiraan.

Warbaahinta Al-Shabaab oo warkaasi lagu daabacay ayaa sidoo kale lagu beeniyay warar kale oo sheegayay maalmihii lasoo dhaafay in uu xanuunsan yahay.

“Sheekh Abu Cubayda wuu noolyahay, wuuna caafimaad qabaa, waqtigii uu Allaah u qoray ayuuna dhiman doonaa” ayaa lagu sheegay warka lagu daabacay Warbaahinta taageerta Al-Shabaab.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka sirdoonka Soomaaliya isla markaana ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, ayaa VOA-da u sheegay in Axmed Diiriye uu u dhintay xanuun dhinaca kilyaha ah.