Shabaab oo Madaafiic ku garaacay saldhig ay leeyihiin Ciidamada Dalka kenya

Xoogaga ka tirsan ururka Al Shabaab gaar ahaan guutada jugta culus ayaa Madaafiic ku garaacday shalay gelinkii dambe saldhig Millateri oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaan hoosyimaada magaalada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

Madaafiicdan oo tiro ahaan gaarayay ilaa Sideed xabo Hoobiye ayaa la xaqiijiyay laba ka mid ah in ay ku dhaceen saldhigga Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Fax-faxdhuun.

Al-Shabaab ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan ciidankooda ay Madaafiic ku garaaceen saldhiga ciidanka Kenya ee ku yaalla Deegaanka Fax-faxdhuun ee duleedka degmada Ceelwaaq.

Al-Shabaab ayaa sheegay in ay dhowr madfac ay ku dhufteen gudaha saldhiga ciidanka Kenya deegaankaasi, islamarkaana ay ka dhasheen khasaare kala duwan.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha nafeed ee ciidamada Kenya ka soo gaaray weerarka madaafiicda ah ee Al Shabaab shalay ku qaaday saldhigyada Millateri ee deegaanka Fax-faxdhuun.

Ma jiraan saraakiil ka tirsan ciidanka Kenya ee ku sugan gobolka Gedo oo ka hadlay madaafiicda ay Al Shabaab sheegayaan in ay ku garaaceen saldhiga ciidanka Kenya ee gobolkaasi.