Shabaab oo Muqdisho ku toogtay nin kamid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka

Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa  waxa qeybo ka mid ah degmada Dayniile ee gobolkan Banaadir ay ku dileen Oday dhaqameed ka mid ahaa Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Deerow Dhaqane Maxamed,waxana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilkiisa ay goobta ka baxsadeen.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, waxaana ay sheegeen in ay beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa dilka kadib goobta gaaray,iyaga oo sameeyey howlgal ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas,wallow aysan ku guuleysan in ay gacanta ku dhigaan.