Shabaab oo qarxiyay Buundo ku taalla Shabeellaha Hoose

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta qarxiyay mid ka mid ah Buundooyinka loo maro degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Buundadan ayaa si gaar ah u dulmarta Kanaanlka la yiraahdo Birimo Sugantario oo waraabiya Beeraha ku yaalla deeganaada ku dhaw degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

Masuuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa warbaahinta u sheegay in Shabaab ay Miino ku xireen Buundada, kadibna ay qarxiyeen, sidaasina ay ku burburtay Buundada.

Gudoomiye kuxigeenka dhanka Maaliyadda gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax Xaaji oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in halkaasi ay baxeen ciidamo ka tirsan dowladda, wixii ka soo baxana ay dib ka soo sheegi doonaan.

“Shabaab ayaa galabta waxa ay qarxiyeen mid ka mid ah Buundooyinka loo maro degmada Qoryooley, Buundada way burburtay, Ciidamo ayaa ku baxay falkaasi, dhawaan waxaan qorsheyneynaa inaan dib u dhisno Buundadaasi, mana ka yeli doono Shabaab inay go’doomiyaan degmada Qoryooley.” Ayuu yiri Guddoomiye C/fataax.

Buundadan ayaa waxa ay aheyd Buundo ay isticmaalaan shacabka gobolka ku safra gaar ahaan Beeraleyda, sidaasi darteeda maamulka ayaa sheegay iyaga oo ka duulaya in la go’doomiyo degmada Qoryooley inay si deg deg ah u dhisi doonaan Buundadaasi.