Shabaab oo rasaaseeyay gaari Dad shacab ah

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanada Caad iyo Camaara oo ka tirsan gobolka Mudug, Ururka Al shabaab ayaa shalay gelinkii dambe rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah.

Shalay subixii ayaa dagaal u dhaxeeyay shacab iyo Shabaab wuxuu ka dhacay deegaanada Caad iyo Camaara, kadib markii Shabaab dadka degaanka ay ku amreen inay bixiyaan lacagta Shabaab ay u yaqaanaan Sakawaadka, balse dadka ayaa ka biyo diiday arrintaasi.

Gaariga oo marayay wadada xiriirisa Caad iyo Camaara oo Shabaab difaac halkaasi ay kaga jiraan ayaa mar kaliya waxa ay rasaas ku fureen gaariga, waxayna taasi keentay inay dhintaan laba gabdhood oo wada dhashay oo xabadahii ay ku dhaceen.

Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug ayaa warbaahinta  waxa ay u sheegeen labada gabdho ee Shabaab ay dileen inay saarnaayeen gaari ka ambabaxay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday dhanka magaalada Cadaado.

Shabaabka ayaa markii ay rasaasta ku fureen gaariga oo dadkii ay qayliyeen oo la joojiyay Baaburka ayay Shabaabka ogaadeen in gaariga ay saarnaayeen dad shacab ah oo aanan qeyb ka aheyn dagaalka.

Maydadka labada gabdhood ee Shabaab ay dileen ayaa loo qaaday dhanka magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, masuuliyiin u hadashay maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in Caad iyo Camaara ay u dirayaan ciidan la dagaalama Shabaab.