Shabaab Oo Saacado Hestay Deegaano Kuyaala Dalka Kenya

Al-Shabaab ayaa Saacaddo kooban waxa ay maamulaayeen degaano ka tirsan gobolka Waqooyi ee dalka Kenya sidda ay xaqiijiyeen Masuuliyiin katirsan dalka Kenya.

Degaan lagu Magacaabo Komor Xayle oo ku yaalla Degmadda Mandhera oo u dhow Xuduudka Kenya la wadaagto Soomaaliya ayay Shabaab xalay galeen.

Shabaab ayaa dadka degaanka la hadlay,islamarkaana u jeediyay Khudbado Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Waxaa la sheegay in ay tageen goobo Iskuul iyo sidoo kale Masaajid ku yaalla degaankaasi,islamarkaana ay Bulshadda u sheegeen in ay gacanta ku hayaan degaanka.

Ciidamadii Booliska Kenya ee ku sugnaa degaankaasi ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la sheegay in dib ugu laabteen Markii ay ka baxeen Al-Shabaab.