Shabakad katirsan kooxda AL-Shabaab oo gacanta lagu dhigay.

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay gelinkii dambe ee shalay ciidamada Booliska Soomaaliya ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho.

Howlgalkan oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Garasbaaley ayaa waxaa lagu beegsaday shabakad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo nolosha lagu soo qabtay.

Shabakaddan oo ka koobnayd 4 dhalinyaro ah ayaa gacanta lagu soo dhigay, kadib markii ay dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray marxuum Xasan Cabdulqaadir Ibraahim.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in afarta nin lagu soo qabtay howlgal ka daba tag ah oo ay sameeyeen ciidanka ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale “Dilka kadib Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo sameeyay kadatag ayaa Gacanta kusoo dhigay shabakad oo watay Mooto iyo Laba Bastooladood oo ay dilka ku geesteen”.

Booliska ayaa sidoo kale tilmaamay in shabakaddan la horgeyn doo maxkamadda, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.