Shacab Caraysan Oo Dibadbax Ka dhigay Muqdisho..

Kumannaan Shacabka Soomaaliyeed ayaa maanta Dibadbax ballaaran ka dhigay  qeybo badan oo Koonfurta iyo Waqooyiga Muqdisho ah, iyaga oo dareenkooda ku muujiyay sida ay uga soo horjeedaan damaca Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliyeed.

Dibadbaxayaasha oo cod dheer ku cabirayay dareenkooda ayaa socod ku maray qeybo badan oo caasimadda Muqdisho, iyaga oo sitay boorar ay ku qoranyihiin halkudhigyo ay kamid ahaayeen, “Baddeenna Beec ma ahan, Taako Baddeenna Kama Tanaasulayno, Taako Dhulkeenna Kama Gorgortameyno iyo Taako dhulkeenna Dhiibimeyno”.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ugu horreeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa shacabka kala qaybgalay Dibadbaxa, iyaga oo ku bogaadiyay sida Waddaniyadda leh ay u difaacayaan dhul badeedka Soomaaliyeed, una diidan yihiin damaca guracan ee Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay banaanbaxaan maanta loo xiray badi waddooyinka caasimadda, xilli amniga goobaha uu ka socday isku soo baxa lagu arkayey ciidanka dowladda kuwaas oo sugaya amniga dibadbaxyaasha iyo mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda.