Shacabka dalka Niger oo dalbanaya in 1,000 askari oo Mareykan ah ay ka baxaan dalkooda

Boqolaal qof ayaa dibadbax ka dhigay magaalada Agadez ee waqooyiga Niger, iyagoo dalbanaya in 1,000 askari oo Mareykan ah ay ka baxaan dalkaas oo u joogay si ay ula dagaalamaan mujaahidiinta.

Labo maalmood ka hor Washington ayaa sheegtay inay aqbashay ka bixitaankooda.

Dalka Niger ayaa ka mid ah dhowr wadan oo galbeedka Afrika ah oo hogaamiyayaasha militarigu ay xiriirka u jareen xulafadooda soo jireenka ah ee reer galbeedka, islamarkaana ay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Ruushka.

Taliyayaasha militariga Niger ayaa xukunka hayay wax ka yar sagaal bilood balse mar hore ayaa ciidamada Faransiiska lagu qasbay inay baxaan, ciidamada Mareykanka ayaa dhawaan ku dayan doona.